Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxa ANC oo ka hadlay xil laga qaaday senatarka Kakamega

Madaxa ANC oo ka hadlay xil laga qaaday senatarka Kakamega

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa arrin nasiib darro oo laga qoomameeyo ku tilmaamay go’aankii isbeheysiga NASA uu senatarka ismaamulka Kakamega Mr. Cleophas Malala kaga xayuubiyay xil uu ka hayay aqalka sare.
Malala ayaa ahaa ku xigeenka madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee aqalka senate-ka.
Mudavadi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in tallaabadaasi ay ka dambeeyeen siyaasiyiinta xisbiga ODM oo sida uu xusay aan tixgelin hannaanka dimuqraadiga .
Madaxa ANC ayaa intaa ku daray in kastoo arrinkan loo qil dayi doono in senatarka xilka looga qaaday sababo la xiriira kaalintii uu ku lahaa doorashadii ku celiska ahayd ee 4-tii bishan ka dhacday deegaanka Matungu.
Waxaa codeyntaas ku soo baxay musharaxii xisbiga ANC Peter Nabulindo oo uu Malala si weyn ugu ololeynayay.
Musalia Mudavadi ayaa sheegay in uu ku faanayo Malala oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga uu hoggaamiyo ee ANC oo uuna garab taagan yahay.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa sheegay in Kenya aan hadda looga baahneyn dulqaad yari dhanka siyaasadda ah.
Senatarka Kakamega , Cleophas Malala ayaa dhankiisa sheegay in xilkii ku xigeenka siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee aqalka sare ee laga wareejiyay aynan wax ka beddeli doonin mowqifkiisa siyaasadeed.
Waxaa uu senatarka si la mid ah Mudavadi tilmaamay in NASA ay ka carootay natiijadii ka soo baxday doorashadii ku celiska ahayd ee Matungu.
Xilkii uu golaha senate-ka ka hayay Malala waxaa la wareegay dhigiisa Kilifi Stewart Madzayo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments