Kenya Power oo sheegtay in qaybo ka mid ah wadanka ay korontada ka maqan tahay

0
207

Waxaa maanta qaybo dalka ka mid ah soo wajahday koronto la’aan.
Shirkadda adeegga korontada ee dalka ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in cilad ay ku timid nidaamka korontada.
Ciladda ayay ka dhalatay ka dib roobab xalay iyo saaka ka da’ay qaybo ka mid ah wadanka.
Kenya Power ayaa intaasi ku dartay in shaqaalaheeda ay ku howlan yihiin xallinta arrintan, islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii ay korontada ay dib ugu soo celin lahaayeen goobahan.
Meelaha ay korontada ka maqan tahay ee ismaamulka Nairobi waxaa ka mid ah xaafadaha Umoja, Dandora, Buruburu, Islii, Uhuru, Bahati, Imara Daima, Kariobangi, waqooyiga deegaanka Mathare, Kiamaiko, Komarock, Karasani iyo Korogocho.
Sidoo kale waxay koronta la’aanta saameysay deegaanada Juja, Ruai, Kabete iyo Ruiru oo ka tirsan ismaamulka Kiambu.
Qaybo ka mid ah wabiga Athi, Kitengela, Kajiado iyo Machakos ayaa sidoo kale ay saameysay ciladda korontada ku timid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here