NCIC oo sheegtay inuu hoos u dhacay adeegsiga hadallada naceybka

0
431

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa sheegay in tan iyo doorashadii guud ee sanadkii hore ay yaraadeen hadallada naceybka ku saleysan ee la jeediyo.
Guddoomiyaha NCIC Samuel Kobia ayaa xusay in keliya la diiwaangeliyay 44 xaaladood oo arrinkan ku aaddan.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhacdooyinka marin habaabinta ee la diiwaangeliyey ay gaareen 97 laga soo billaabo bishii Koowaad ee sanadkan halka xaaladaha isku dirka ay noqdeen 3.