DHAGEYSO:Barasaabka Nairobi oo sheegay inaynan jirin sabab mucaaradka ay dibadbax u sameeyaan

0
340

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka NTV ayaa sheegay in aynan jirin sabab wax ku ool ah oo ay hadda siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ay gudaha wadanka uga dhigaan dibadbaxyo.
Waxaa uu ku baaqay in madaxda ugu sarreysa wadanka ay wada hadlaan.
Sakaja ayaa carrabka ku adkeeyay in kastoo dastuurka wadanka uu oggol yahay in mudaharaad nabad ah la sameeyo haddana in aan waxbo laga faa’iidayn.
Barasaabka caasimadda dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in mudaharaad la sameeyo aynan hoos u dhigi doonin qiimaha sarreeya ee maciishadda .