Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa ka codsaday beeralayda dalka inay soo saaraan galleyda si dowladda uga iibsato.
Mr.Gachagua oo wareysi siiyay qaar ka mid ah warbaahinnada dalka ayaa sheegay in ay jiraan beeralay qariya galleyda gaar ahaan kuwa deegaanada gobolka Rift Valley.
Waxaa uu sheegay in galley yari ay haatan caalamka ka jirta.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale difaacay tallaabada ah in dibadda dalka looga soo dejiyo galley.
Waxaa uu ballanqaaday in galleyda dibadda laga keenayo ay dhawaan wadanka soo gaari doonta.