Dowladda Kenya ayaa taageertay musharraxnimada Ajay Banga oo ka mid ah shakhsiyaadka doonaya inay hoggaamiyaan bangiga adduunka.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Mr. Banga uu u qalmo qabashada jagadan.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in mas’uulkan uu bangiga adduunka gaarsiin karo heerka xiga ee la hiigsanaya.
Madaxweynaha ayaa arrintan ka hadlay ka dib markii uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu kulan kula qaatay Banga oo horay u soo noqday madaxa fulinta ee shirkadda MasterCard.
AJAY BANGA FOR WORLD BANK GROUP PRESIDENT, KENYA DECLARES
Kenya has endorsed the candidature of Ajay Banga as the next President for the World Bank Group.
President @WilliamsRuto said Mr Banga has the credentials… https://t.co/AnaRuVG2ed pic.twitter.com/VYSmzLmwPH— State House Kenya (@StateHouseKenya) March 8, 2023