Waxaa si la mid ah dalalka kale ee dunida maanta wadanka laga xusaya maalinta caalamiga ee haweenka oo sanad waliba loo dabbaal dego 8-da bisha Saddexaad.
Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu ku faanaya horumarka lagu tallaabsanaya ee haweenka ay qayb uga yihiin siyaasadda iyo howlaha dhaqan-dhaqaale si loo haleelo sinnaan buuxda.
Waxaa uu sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in arrintan laga dhabeeyo.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa intaasi ku daray inuu hoggaanka baarlamaanka kala hadlay ka shaqeynta nidaam sare loogu qaadaya sinnaanta iyo matalaadda siyaasadeed.
Madaxweyne Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay inay diyaar u yihiin in meesha laga saaro caqabadaha dhanka hannaanka ah iyadoo la doonayo in haweenka si dhameystiran looga qayb geliyo arrimaha qaranka.
On this International Women's Day, I am proud of the progress we are making in raising socioeconomic and political inclusion of our women towards full equality.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) March 8, 2023
Happy Women’s Day.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) March 8, 2023
Dhanka kale haween ka soo jeedo 10 ka mid ah ismaamullada dalka sida Garissa, Isiolo ,Samburu, Marsabit, West Pokot iyo Lamu oo ka shaqeeya arrimaha deegaanka ayaa ku sugan Baringo waxayna halkaasi ugu dabaal degayaan maalinka caalamiga ee dumarka.
Qaar ka mid ah haweenkan oo warbaahinta la hadlay ayaa dareenkooda sidan u muujiyay.