DHAGEYSO:Raila Odinga oo caro xooggan muujiyay ka dib markii loo diiday inuu galo xarunta dhexe DCI-da

0
314

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa loo diiday inuu galo xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da halkaas oo su’aalo lagu weydinayay wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee wadanka Dr. Fred Matiangi.
Raila ayaa xarunta dhexe ee DCI-da gaaray gelinkii dambe ee shalay si uu garab istaag ugu muujiyo Dr.Matiangi.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa lagu wargeliyay in uusan geli karin xaruntaasi taas oo keentay in Mr.Odinga uu ku doodo in xafiiskani uu yahay mid dadweyne sidoo kalena uu xaq u leeyahay inuu gudaha u galo.