DHAGEYSO:Waraysi gaar ah: Xildhibaanka Lafey oo sheegay inay qorsheynayaan in la soo qaado dhaawaca daran ee qaraxii maanta

0
675

Xildhibaanka deegaanka Lafey ee ismaamulka Mandera Cabdi Muudey Ibraahim oo waraysi gaar ah siiyay idaacadda Star FM ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax saaka ka dhacay deegaankaas isagoo xusay inuu jiro qorsho magaalada Nairobi loogu soo qaadaya dadka uu weerarkaas ka soo gaaray dhaawaca halista ah.
Mowlid Maxamad Shuuriye ayuu khadka taleefoonka ugu warramay

Ku xigeenka barasaabka Mandera Maxamad Axmad Caraay ayaa isna dhawaan ka hadlay qaraxa wuxuuna sheegay in Al-Shabaab aynan hadda bartilmaameedsanayn keliya saraakiisha ammaanka.

Sidoo kale qaar ka mid ah wakiillada deegaannada hoose ee Lafey ayaa ka hadlay weerarka maanta iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay

Qarax ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee loo yaqaano IED waxaana lala eegtay bas marayay tuulada Koromey ee ismaamulka Mandera ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof .
Baabuurka oo ah nooca gaadiidka dadweynaha ayaa saaka ka soo ambabaxay deegaanka Lafey islamarkaana ku sii jeeday magaalada Mandera.
10 qof oo kale ayay dhaawacyo kala duwan soo gaareen waxaana lagu daaweynayaa isbitaalka weyn ee Mandera.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Nicholas Ndalana ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda ay hadda deggan tahay.
Wuxuu intaa ku daray in ciidamo loo howlgeliyay raadinta kooxdii falkan ka dambeysay.
Mr. Ndalana ayaa dadweynaha deegaanka ku boorriyay in ay saraakiisha ammaanka la wadagaan xog kasta oo ku saabsan weerar qorsheysan oo ay hayaan.
Qaraxa maanta dhacay iyo khasaaraha ka dhashay waxaa sidoo kale xaqiijiyay taliyaha booliska ee gobolka waqooyi bari Rono Bunei.
Sawirro laga soo qaaday dhacdada ayaa muujinaya in baska uu burbur weyn soo gaaray.
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba uu walaac ka muujiyay xaaladda amni ee dowlad deegaankaas.
Waxaa falkan si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamulka Mandera oo ay ka mid yihiin Senatar Maxamad Maxamuud iyo xildhibaanka deegaanka Lafey.
Senatarka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in koox arxaan daran ay falkaas ka gaysatay wadada xiriirsa Lafey iyo Carabiya.
Senatarka ayaa dhankiisa xusay in la xaqiijiyay dhimashada afar qof wuxuuna u tacsiyeeyay qoysaska ay dadkani ka geeriyoodeen.
Xildhibaanka deegaanka Lafey Cabdi Muudey Ibraahim ayaa dhankiisa baska la weeraray ku sheegay Brothers coach.