DHAGEYSO:Barasaabka Nairobi oo daah furay hal bilyan oo deeq waxbarasho ah

0
350

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa xariga ka jaray barnaamij lagu bixinayay deeq waxbarasho oo dhan 1.025 bilyan oo shilin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in lacagtan la kordhiyay boqolkiiba 76 marka loo barbardhigo sanadkii hore.
Sakaja ayaa carrabka ku adkeeyay in deeqdan loogu talagalay in lagu taageero ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah ee dhigta dugsiyada dowladda.
Waxaa caawimaaddan ka faa’iidaysanaya ilaa 27,900 oo ka mid ah ardayda ismaamulka Nairobi.
Sakaja ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha dhulalka isagoo wacad ku maray in maamulkiisa uu dib ula wareegi doono dhulalka dowladda ee loogu tala galay dugsiyada , isbitaallada iyo xarumaha muhiimka kuwaasi oo si sharci darro ah lagu qaatay.

Tan iyo sanadkii 2013-kii, dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa bixisay deeqaha waxbarashada oo gaaraya 500,000 oo qiimo ahaan ku dhow 3 bilyan oo shilin.
Guddoomiyaha Nairobi ayaa dhanka kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhammaan madaxda iyadoo aan la eegayn xisbiyada siyaasadeed ee ay ka tirsan yihiin.