Qaar ka mid ah madaxda Mandera oo cambaareeyay qarax saaka dhacay

0
599

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamulka Mandera ayaa si kulul u cambaareeyay weerar maanta ka dhacay dowlad deegaankaas.
Senatarka ismaamulka Mandera Maxamad Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku cambaareeyay qaraxa maanta dhacay.
Waxaa uu sheegay in koox arxaan daran ay falkaas ka gaysatay wadada xiriirsa Lafey iyo Carabiya.
Senatarka ayaa dhankiisa xusay in la xaqiijiyay dhimashada afar qof wuxuuna u tacsiyeeyay qoysaska ay dadkani ka geeriyoodeen.
Xildhibaanka deegaanka Lafey Cabdi Muudey Ibraahim ayaa dhankiisa baska la weeraray ku sheegay Brothers coach.
Wuxuu xusay in ay dhinteen labo qof oo rakaab ah halka saddex ka mid ah dhaawaca ay xaalaedooda caafimaad liidato oo ay ku jiraan qaybta daryeelka degdegga ee ICU-da.
Mudanaha ayaa dowladda ka codsaday in ay arrinkan baaritaano qoto dheer ku sameyso oo ayna gacanta ku soo dhigto dadkii ka dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here