Guddoomiyaha guddiga nabadgalyada ee deegaanka Dadaab Cismaan Ibraahim Cabdi oo loo yaqaano Cismaan Afmaroor ayaa soo dhaweeyay hadal uu shalay madaxweynaha dalka William Ruto ka yiri go’aan Jimcihii hore ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa wadanka kaasoo ahaa in dadka isku jinsiga ee wax iska daya ay sameysan karaan ururro u gaar ah.
Madaxweynaha ayaa shalay hoosta ka xarriiqay in arrintan aan laga aqbali karin gudaha wadanka.
Guddoomiyaha nabadgalyada Dadaab ayaa cambaareeyay arrinkan oo uu xusay inuu ka mid yahay waxyaabaha sababaya dhibaatooyinka taagan.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Guddoomiyaha nabadgalyada ee Dadaab oo taageeray jawaabta uu madaxweynaha ka bixiyay LGBTQ




