Wasiirka arrimaha gudaha oo argagixiso ku tilmaamay burcadda xoolaha dhaca

0
231

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki oo maanta ka soo hormuuqday guddiga aqalka sare u qaabilsan wadajirka iyo isdhexgalka ayaa sheegay in kooxaha gaysta dhaca xoolaha ay yihiin argagixiso oo aan lagu tilmaami karin burcad.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in shakhsiyaadkan loola tacaalo si aan beer-jileec lahayn.
Kindiki ayaa xusay in siyaasiyiinta ay qayb ka yihiin falalkan.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ay ku sugnaan doonaan waqooyiga dalka si loo xaqiijiyo nabadgalyo buuxda iyo horumar dhaqaale.
Prof. Kithure Kindiki ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in maamulka madaxweyne William Ruto uu cirib tiri doono burcadnimada.
Wasiirka ayaa senatarrada u sheegay in kastoo ay soo idlaatay mudadii cafiska haddana in aan weli la billaabin howlgallada shacabka looga qaadaya hubka sharci darrada.
Kindiki ayaa xusay inuu madaxweynaha wadanka ka haysto garab buuxa oo ku aaddan dabargoynta hubka sharci darrada ah.
Waxaa uu ku celceliyay in marnaba xal u helidda dhaca xoolaha aan looga mashquulin doonin arrimo siyaasadeed.
Dhanka kale maxkamadda magaalada Kabarnet ee ismaamulka Baringo ayaa xukun 10 sano oo xabsi ah ku ridday qof lagu sheegay burcad ka dib markii lagu helay inuu sitay hub sharci darro ah.