Hindise sharciyeedka danaha isa saameeya oo la ansixiyay

0
291

Golaha wasiirrada ee dalka oo shalay kulan yeeshay ayaa meel mariyay hindise sharciyeed ku aaddan in shaqaalaha dowladda marka ay gudanayaan waajibaadkooda, inaynan ku fushan danahooda gaarka ah.
Tani ayaa looga gol-leeyahay xaqiijinta maamul wanaagga.
Hindisaha Conflict of Interest Bill, 2023 ayaa marka sharci ahaan loo dhaqangeliyo waxaa uu saraakiisha dowladda ka hor istaagi doonaa inay u adeegidda shacabka kaga faa’iidaystaan dano shakhsiyeed sida kuwo ganacsi.
Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyay go’aan la qaatay sanadkii 1971-kii oo ahaa in shaqaalaha dowladda aan lagu xaddidin fulinta danaha gaarka u ah.
Sidoo kale xubnaha golaha wasiirrada ayaa tixgeliyay qorsho lagu kordhinaya tirada kenyaanka ee ka faa’iidaysta fursadaha shaqo ee qurbaha.
Tani ayaa la rajeynaya in sidoo kale lagu wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan muwaadiniinta dalka ee ku sugan waddamada kale ee caalamka.
Qorshahan ayaa sidoo kale kordhin doono lacagaha qurbaba laga soo diro ee wadanka dib loogu soo celiyo.