Senatar Osotsi oo sheegay in la filayay xil ka qaadista Masit

0
289

Senatarka ismaamulka Vihiga Godfrey Osotsi ayaa sheegay inay ahayd arrin la filayay in guddiga uu hoggaaminayay garsoore Aggrey Muchelule uu madaxweynaha u soo jeediyo inuu xilka ka qaado Irene Masit.
Guddiga ayaa shalay sheegay in haweeneydan lagu cadeeyay in bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ay taageertay qorsho ku aaddan wax ka beddelidda natiijadii doorashada guud ka hor inta aan lagu dhawaaqin.
Hasa ahaate senatar Osotsi ayaa ku andacoonaya in guddiga uu fulinayay rabitaanka dowladda.