DHAGEYSO:Guddoomiyaha Garissa oo madaxweynaha dalka ugu baaqay in abaarta jirta uu u aqoonsado musiibo qaran

0
296

Barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalka William Ruto inuu ku dhawaaqo in abaarta hadda taagan ee ka jirta qaybo ka mid ah wadanka uu u aqoonsado inay tahay musiibo qaran.
Waxaa uu sidoo kale ku boorriyay inuu si shakhsi ah u booqdo ismaamullada gaar ahaan deegaannada lagu tilmaamo oomanaha ee ASALs, si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda dhabta ah ee ka jirta dowlad deegaannadaasi.
Guddoomiyaha ismaamulka Garissa ayaa xusay in haddii madaxweynaha dalka uu booqdo dowlad deegaannada ay abaartu saameysay inuu fahmi doono sida ay xaaladdu u xun tahay, si uu indhaha caalamka ugu soo jeediyo xaaladda jirta.
Mr. Nathiif Jaamac ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka inuu amro in ciidamada dalka ay u gurmadaan dadka ay abaartu saameysay, si ay biyo ugu soo dhaamiyaan iyaga oo isticmaalaya baabuurtooda.

Waxaa uu xusay inuu rajeynayaa in codsigiisa la tixgalin doono si looga falceliyo saameynta abaarta.
Barasaaka Garissa ayaa soo jeediyay in dowladda dhexe ay joojiso qorshe kasta oo horumarineed ama kaabayaasha dhaqaalaha, si diiradda loo saaro wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah oo ay abaartu ka mid tahay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa uu hakiyay dhammaan barnaamijyadii horumarineed, islamarkaana maamulka dowlad deegaanka Garissa uu haatan diiradda saaraya wax ka qabashada abaarta.
Nathiif Jaamac ayaa intaasi ku daray in miisaaniyadda dheeriga ah ee loogu talagalay gurmadka degdegga ah ee abaarta ee dowlad deegaankaasi la horgeyn doono golaha wakiillada hoose ee ismaamulka Garissa toddobaadka dambe.
Maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA ayaa warbixintiisa bishii Kowaad ee sanadkan ku sheegay in saameynta abaarta ee ka jirto 29 ka mid ah ismaamullada wadanka ay ka sii dareysa.
Waxaa xaaladaha ugu daran ay ka jiraan 23 dowlad deegaan ee xoolo dhaqatada ee loo yaqaano ASALs.
Ismaamullada ay xaaladda digniinta abaarta ka jirta ayaa kala ah, Kilifi, Mandera, Marsabit, Samburu, Turkana, Wajeer, Isiolo, Kitui, Kajiado, Garissa, Lamu, Narok, Tana River, Makueni, Tharaka Nithi, Baringo, Laikipia, Meru, Taita Taveta, Galbeedka Pokot, Nyeri iyo Kwale.
Horraantii bishan ayay ahayd markii 14 ka mid ah senatarrada ismaamullada xoolo dhaqatada ee ASALs ay dowladda ugu baaqeen inay abaarta u aqoonsato musiibo qaran.
Siyaasiyiintan oo uu hor kacayay senatarka ismamaulka Mandera, Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in ku dhawaad boqolkiiba 70 dadkii xoolaha dhaqatada ay xoolihii ka dhamaadeen.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in malaayiin qof oo ku nool ismaamullada oomanaha ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macluul.