Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in iyadoo adeegsanaysa hay’adda u qaabilsan horumarka caalamiga ee (USAID) ay Kenya siin doonto deeq lacageed oo dhan 16 bilyan oo shilin.
Arrintan ayaa ku soo beegan tahay ka dib socdaal ay dhawaan dalka ku timid marwada koowaad ee Maraykanka Jill Biden.
Deeqda lacageed ayaa loo adeegsan doonaa in wax looga qabto saameynta abaarta.
Hay’adda USAID, ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan afar milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunno.
Tiradan ayaa la filayaa inay kor u dhaafto shan milyan marka la gaaro bisha Lixaad ee sanadkan.
USAID ayaa sheegtay inay bixin doonto gargaar cunno oo degdeg ah oo lagu qaybinaya galleyda, saliidda cunnada lagu karsado , digir iyo waxyaabo kale.
Gurmadkan ayaa loo fidinaya qoysaska deggan meelaha aynan inta badan suuqyada ku yaallin.
Sidoo kale meelaha leh suuqyada , waxaa qoysaska la siinaya lacago caddaan ah oo ay cuntooyinka ku soo iibsan karaan.
Hay’adda USAID ayaa sidoo kale sheegtay inay taageeri doonto barnaamijyada looga hor tagaya ama lagu daaweynaya nafaqo darrada carruurta.
Guud ahaan wadanka , waxay nafaqo darro haysataa in ka badan 970,000 oo carruur ah oo ay da’dooda ka hooseyso shan sano.
Hay’adda ayaa dhanka kale bogaadisay wada shaqeynta dhow ee ka dhexeysa dowladda dhexe iyo ismaamullada waxayna ballan qaaday inay maalgelin doonto dib u soo kabashada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
USAID ayaa hoosta ka xarriiqday in sanad maaliyadeedkii 2022-kii ay saameynta abaarta ee dalka uga falcelisay ku dhawaad 310 milyan oo doolar.
Hay’adda waxay intaasi ku dartay in marka la eego xaaladda taagan, in loo baahan yahay dhaqaale dheeraad ah.
#TunasimanaNaKenya https://t.co/9Aj2CPFNMo
— USAID Kenya (@USAIDKenya) February 28, 2023
.@FLOTUS and @USAmbKenya saw firsthand how drought is affecting millions in 🇰🇪, and yesterday @USAID announced more than $126 million in additional food assistance for Kenyans to meet urgent needs. https://t.co/BnMW8i9bGR @PowerUSAID pic.twitter.com/naIRL4qsBr
— U.S. Embassy Nairobi (@USEmbassyKenya) February 28, 2023




