Madaxweynaha dalka oo magacaabay guddiga shaqaaleysiinaya saraakiisha IEBC

0
288

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doono in la shaqaaleysiiyo saraakiisha iyo guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka ee IEBC.
Arrinkan ayuu shaaca uga qaaday qoraal uu ku soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda oo ku taariikhaysan 27-kii bishan.
Guddiga uu Ruto soo magacaabay ayaa ka kooban toddobo xubnood waxayna kala yihiin Bethuel Sugut, Novince Euralia Atieno, Charity S. Kisotu, Evans Misati James, Benson Ngugi Njeri, Nelson Makanda iyo Fatuma Saman .
Tani ayaa ku soo beegmaysa labo isbuuc ka dib markii uu hoggaamiyaha wadanka si rasmi ah u shaaciyey inay bannaan yihiin jagooyinka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii Wafula Chebukati iyo mas’uuliyiintii kale.