Shaqaalaha dowladda oo loogu baaqay u hoggaansanka dastuurka

0
225

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhammaan shaqaalaha dowladda ugu baaqay inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka dastuuriga ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shaqaalaha dowladda laga doonaya inay u adeegaan dadweynaha oo aynan ku lug yeelan arrimo siyaasadeed.
Hadalkan ayuu shalay ka jeediyay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ka dib markii uu guddoomay warbixin la xiriirta baaritaanadii ka dhanka ahaa saraakiisha IEBC.
Guddiga uu hoggaaminayey garsoore Aggrey Muchelule ee baaritaannada sameeyay ayaa soo jeediyay in xil ka qaadis lagu sameeyo Irene Masit oo ka mid ah saraakiisha IEBC ka dib markii ay soo baxday in bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ay taageertay xeelad ku aaddanayd in wax laga beddelo codadkii laga dhiibtay doorashadii guud.