Nuurdiin Xaaji oo ku baaqay xoojinta siyaasadaha lagu ilaalinayo haweenka iyo carruurta

0
279

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka (DPP) Nuurdiin Xaaji ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ogaado hindisayaasha xasaasiga ah ee jinsiga iyo siyaasadaha ka dhex jira waaxda cadaaladda ee lagu maareeyo dembiyada kuwooda loogu talagalay ilaalinta haweenka iyo carruurta.
Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in markii laga soo taago dambiyada abaabulan iyo kuwa la xariira gacan ka hadal ay haweenka iyo carruurta saameyn kala kulmaan horumarka dhaqan dhaqaale, amniga qaranka iyo sharciga iyadoo laga faa’iidaysanaya baahiyahooda.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegay in haweenka iyo carruurta lagu qasbo rabshado noocyo kala duwan leh oo ku yeesha saameyn maskaxeed iyo mid jireed oo waara.
Waxaa uu bidhamiyaay in ay jirto baahi loo qabo in si joogta ah loo raaco siyaasado iyo habraacyo ka tarjumaya ka go’anaanshaha iyo xaqiijinta helitaanka cadaalad loo siman yahay.
Xaaji ayaa hadalkan ka jeediyey shir sanadeedkii 10-aad iyo shirweynaha ururka dacwad-oogayaasha Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Waxaa uu sidoo kale xusay in dacwad oogayaasha gobolka ay xoojiyaan wada shaqeynta, xog wadaagga, iyo wada shaqeynta dalalka xubnaha ka ah ururkan iyada oo loo marayo shabakado xirfad ahaan sarreeya .
Nuurdiin Xaaji ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in lais waafajiyo sharciyada lana tixgeliyo hababka lagu hirgelinayo nidaamyada isku dhafka ah ee dalalka xubnaha ah si loo fududeeyo iskashiga.
Kenya ayuu sheegay in laga hirgeliyay qaybo xadgudubyada carruurta iyo haweenka ka dhanka ah lagula tacaalayo.