AKHRISO:Axmad Madoobe oo xilka ka qaaday Cabdirashiid Janan(Wareegto)

0
525

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmad Maxamad Islaam Axmad Madoobe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii amniga ee Maamulkaasi Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan..
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu shaaciyay xilka qaadista Wasiirkii Amniga Maamulkaas, hayeeshee aan lagu faahfaahin sababaha keentay xil-ka qaadista.
24-kii Saacadood ee la soo dhaafay warar soo baxayay ayaa sheegayay in Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan uu wada-hadallo & heshiis la galay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoo arrintaasi ay keentay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu xilka ka qaado Wasiirka.
Hoos ka akhriso bayaanka xil-ka-qaadista oo ku taariikheysan 20-ka Maarso