Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mithika Linturi ayaa sheegay in dowladda Sweden ay Kenya ugu deeqday lacag dhan 650 milyan oo shilin.
Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa in lagu soo dhiso hannaanka casriga ee keydka beeralayda.
Dowladda ayaa nidaamkan u adeegsan doonto inay diiwaangeliso beeralayda oo ayna maareyso macluumaadkooda.
Linturi ayaa shalay shaaciyay barnaamijkan oo loo yaqaano KIAMIS xilli uu daahfurayay wajiga labaad ee nidaamka dhanka macluumaadka beeraha.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in dowladda dhexe ay ilaa iyo hadda diiwaangelisay 4.2 milyan oo beeraley ah si loogu qaybiyo bacriminta iyo agabka kale ee wax soo saarka.




