DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in maamulkiisa uunan cidna takoorayn

0
277

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu shalay ku sugnaa degmada Mpeketoni ee ismaamulka Lamu, gobolka Xeebta waxaa uu sheegay in dowladda talada haysa ay kenyaanka si siman ugu adeegi doonto iyadoo aan eegayn qabiil iyo taageero siyaasadeed labaduba.
Hoggaamiyaha dalka oo shacabka ugu baaqay inay midoobaan oo ay nabad ku wada noolaadaan ayaa xusay inuunan jiri doonin deegaan baarlamaneed ku dambeeya dhinaca horumarka.

Waxaa uu dadweynaha Lamu iyo si guud muwaadiniinta dalka uga mahadceliyey inay bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ay si nabad ah ku codeeyeen.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in laga soo gudbay xilligii hoggaanka siyaasadeed lagu saleyn jiray qabyaalad.

Waxaa uu sheegay inuu dhammaan madaxda la soo doortay kaashan doono si ay uga wada shaqeeyaan horumarka qaranka. Ruto ayaa dhanka kale madaxda diimeed uga mahadceliyay sida ay wadanka ugu duceeyeen isagoo ka codsaday inay Alle bariga sii wadaan.