Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Rag hubeysan ay askar ka tirsan Ciidamada Soomaaliya ku dileen Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaay warbaahinta gudaha u sheegeen in ragga ku hubeysan bustoolado ay dileen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya oo kamid ahaa kuwa ilaalada ka hayay Isgoyska ay dhacdadaan ka dhacday ee Siinay.
Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi tegay Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaasoo goobta ka qaaday meydadka askartii weerarka lagu dilay.
Wararka ayaa waxaay intaasi ku darayaan in ragga hubeysnaa ee dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, isla markaana ay horay u sii qaateen hubkii ay wateen askarta dilka loo gaystay.
Ciidamada Booliska ee tegay Isgoyska Siinaay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka askarta walow aysan ku guuleysan inay Gacanta ku soo dhigaan Kooxdii Falkaas Fulisay, waxaana muddo daqiiqado ah hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka isgoyska Siinay walow dib loo furay.