Hay’adda UNICEF laanteeda Kenya oo u baahan 17.3 bilyan

0
307

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa sheegaysa inay u baahan tahay lacag dhan 17.3 bilyan oo shilin si loogu caawiyo qoysaska ay abaarta saameysay.
Hay’adda ayaa maanta shaacisay in dad ay tiradoodu gaaraysa 6.4 milyan ay wajahayaan cunno yari.
Kala bar tiradan oo ah 3.2 milyan waa carruur.
UNICEF ayaa sidoo kale laga soo xigtay in ugu yaraan 970,000 carruur ah oo ay da’doodu ka hooseyso shan sano iyo 142,000 oo isugu jiro hooyooyin uur leh iyo kuwa caruur nuujinaya ay u baahan yihiin badbaadin nololeed oo degdeg ah maadaama ay nafaqo darro haysato.