Dad ku dhaawacmay diyaarad ku burburtay Baringo

0
450

Waxaa lagu soo warramayaa in labo qof ay dhaawacyo culus soo gaareen ka dib markii diyaarad sidday ay ku burburtay ismaamulka Baringo.
Diyaaradda ayaa soo dhacday xilli ay isku dayeysay inay ku degto garoonka yar ee Kampi ya Samaki oo aan sidaasi uga fogeyn harada Lake Baringo.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe halkaasi ku matalo Charles Gumba.
Shilka ayaa dhacay abaare 10-kii barqannimo ee maanta.
Charles ayaa laga soo xigtay in dhaawaca la geeyay isbitaalka degmada Marigat si ay u helaan daryeel caafimaad.
Diyaaradda shilka gashay ayaa nooceeda lagu sheegay 5Y-PEC waxayna ka soo duushay ismaamulka Narok.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay burburka diyaaradda balse waxaa socdo baaritaano lagu xaqiijinaya dhacdadan.