Ugu yaraan hal milyan oo da’yar ah ayaa la filayaa inay ka faa’iidaystaan barnaamij ay dowladda dhexe ku hirgelinayso shaybaarrada hal-abuurka.
Mashruucan ayaa lagu dhaqan gelin doonaa 3 ilaa 5 sano gudahooda.
Wasiirka isgaarsiinta ee dalka Mr. Eliud Owalo ayaa arrintan sheegay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bungoma ee galbeedka wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xarumahan loogu talagalay in lagu xiriiriyo adeegga intarneetka si dhallinyaro badan oo shaqo la’aan ah ay uga helaan fursadaha dhanka online ee ay ku maareyn karaan noloshooda.




