Taliyaha booliiska oo sheegay in tallaabo laga qaadaya askari xadgudub gaystay

0
439

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa sheegay in la guda galay tallaabo sharciyeed oo ka dhan ah askari muuqaal laga duubay isagoo qori sita oo cabsi gelinaya mid ka mid ah gaadiidleyda dalka.
Bayaan ka soo baxay adeegga qaran ee booliiska ee NPS ee uu Koome hoggaamiyo ayaa arrinkan shaaca looga qaaday.
Abaanduulaha booliiska ayaa hoosta ka xarriiqay inay ka go’an tahay in laga dhabeeyo isbeddellada lagu sameynaya waaxyaha amniga ee dalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in askariga ay dhaqankiisa si wayn uga hadleen kenyaanka uunan matalin habdhaqanka saraakiisha ammaanka.
Koome ayaa laga soo xigtay inay dhacdadaasi walaac ku beertay oo ayna si kulul u cambaareynayaan.
Muuqaalka ayaa laga dhex arkaya iyadoo wadaha baabuurka uu ku calaacalaya askariga oo uuna is difaacaya balse sarkaalka ayaa u muuqdo mid qofkaasi awood u sheeganaya oo u hanjabaya.