Maxkamadda oo 20 sano xirtay nin qorsheeyay inuu weeraro KICC

0
293

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa dembi ku heshay eedeysane lagu magacaabo Victor Odede Bwire.
Shakhsigan iyo tuhmanayaal kale ayaa loo haystay inay bishii koowaad ee sanadkii 2019-kii qorsheeyeen weerar la doonayay in lagu qaado xarunta shirarka caalamiga ee KICC.
Bwire ayaa sidoo kale loo haystay inuu xog uruuriyay si uu ugu caawiyo falka argagixiso ee aan lagu guulaysan.
Garsooraha maxkamadda Milimani Bernard Ochoi ayaa Bwire ku xukumay 20 sano oo xabsi ah.
Waxaa uu xaakinka sheegay in haddii weerarka la fulin lahaa inay ka dhalan lahayd saameyn ballaaran.
Victor Bwire ayay qaraabo yihiin Elgiva Bwire oo isna horay loogu xukumay xabsi daa’in ka dib markii lagu cadeeyay argagixisannimo.
Waxaa uu maxkamadda u sheegay in la siray si uu hagardaamo u sameeyo maadaama uu wajahayay murugo nololeed.
Saraakiisha waaxda dacwad oogidda ayaa maxkamadda u sheegay in Bwire iyo eedeysane kale oo lagu magacaabo Maxamad Yare Cabdalla ay shirqool sameyeen oo ay uruuriyeen xog ku saabsan amniga xarunta KICC iyagoo doonaya in goobta la qarxiyo.
Waaxda dacwad oogidda ayaa xustay in eedeysanaha uu xogta u gudbiyay Maxamad Yare Cabdalla isagoo adeegsanaya barta Facebook-ga.