Guddiga qoondeynta dakhliga ee (CRA) ayaa walaac ka muujinaya in wasaaradda maaliyadda aynan ismaamullada u qoondeyn dhaqaale ku filan.
Agaasimaha maaliyadda ee guddiga CRA Linet Mutinda ayaa arrinkan shaaca ka qaadday xilli ay ka soo hormuuqatay guddiga miisaaniyadda ee aqalka sare.
Waxay sheegtay in wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaran ay soo jeedisay inay dowlad deegaannada siiso lacag dhan 385 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate waxay Linet carrabka ku adkeysay in miisaaniyaddan aynan ku filnayn ismaamullada marka la eego baahiyaha horumarineed ee jira.
Waxay baarlamaanka ka codsatay inuu tixgeliyo soo jeedinta guddiga CRA ee ah in lacagaha ay dowladda dhexe siinaysa ismaamullada in lagu kordhiyo 37.4 bilyan si qiimaha uu u noqdo 407 bilyan oo shilin.
Sidoo kale waxay xustay in dowladda dhexe aynan weli soo saarin lacago loogu talagalay shaqooyin la daadajiyay sida caafimaadka iyo wax soo saarka beeraha.
Waxay aqalka sare ee dalka ka codsatay inuu arrinkan soo farageliyo si ismaamullada ay u helaan lacagaha ka maqan.