Raila oo uu ka dhamaaday xil uu ka hayay AU-da

0
280

Waxaa soo idlaaday muddo xileedka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga oo ahaa ergeyga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka.
Xilkan ayuu Raila hayay tan iyo 20-kii bishii Tobnaad ee sanadkii 2018.
Waxaa arrintan warqad uu soo saaray ku xaqiijiyay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.
Waxaa uu Mr. Odinga oo sidoo kale ah madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio uga mahadceliyay sidii uu ugu soo adeegay AU-da.
Moussa Faki ayaa xusay in xilkii uu horay u hayay Raila lagu wareejiyay wakaaladda horumarinta ee Midowga Afrika , iskaashiga cusub ee horumarinta Afrika ee (AUDA-NEPAD).
Qoraalka waxaa ku cad in Odinga uu Midowga Afrika u sii ahaan doono shakhsi muhiim ah.
Raila Odinga ayaa dhankiisa bayaan uu dhawaan soo saaray ku sheegay inuu isaga codsaday in laga wareejiyo xilka ergeyga gaarka ah ee horumarinta kaabayaasha waddooyinka ee Midowga Afrika maadaama ay u soo baxday inuunan waqti ku filan u heli karin gudashada waajibaadkan.
Waxaa uu guddoomiyaha guddiga AU-da uga mahadceliyay intuu codsigiisi si degdeg ah u dhaqangeliyay.