DHAGEYSO:Xoghayaha guud ee ODM oo ka hadlay muddo kama dambeys oo ay dowladda u qabteen

0
261

Senatarka ismaamulka Nairobi sidoo kalena ah xoghayaha guud ee xisbiga ODM , Edwin Sifuna ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aan uu shalay shaaciyay madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga.
Raila ayaa dowladda dhexe u qabtay muddo 14 cisho ah oo ay ku xallinaysa qiimaha sarreeya ee maciishadda haddii kale inay sameynayaan dibadbaxyo waawayn.
Edwin Sifuna oo wareysi gaar ah siinayay idaacadda Radio Citizen ayaa sheegay in mucaaradka ay hanjabaadooda ka dhabeyn doonaan haddii dowladdu aynan qaadin tallaabo degdeg ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kacdoon shacab oo horay waddamo kale uga dhacay in lagu xalliyay dhibaatooyin jiray.

Dhanka kale Edwin Sifuna ayaa dowladda ugu baaqay inay soo celiso miisaaniyad ay ku kaabi jirtay badeecooyinka sida shidaalka.

Sidoo kale waxaa uu xusay inay dalbanayaan in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu furo keydka diiwaanka doorashada si loo xaqiijiyo qalaadaad ay mucaaradka ku andacoonayaan inay dhaceen bishii Siddeedaad ee sanadkii hore.