Isbeheysiga Azimio oo maanta munaasabad duco ah ku qabanaya Nairobi

0
223

Siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya oo uu hor kacaya Raila Odinga ayaa lagu wadaa inay abaare 9-ka subaxnimo ee maanta ay munaasabad dalka loogu duceynaya ku qabtaan xarunta Jeevanjee Gardens ee magaalada Nairobi.
Mucaaradka ayaa horay u sheegay in isku imaatinkooda uu ka dhici doono afaafka hore ee xarunta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.
Raila ayaa laga soo xigtay in Sabtida soo socoto uu isku soo bax siyaasadeed ku qaban doono ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka ka hor inta uunan Axadda u gudbin Kitale oo ka tirsan dowlad deegaanka Trans Nzoia.
Isbeheysiga Azimio ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyay qabanayay kulamo ay ku tilmaameen kuwo lagula tashanaya dadweynaha.