Ka dib markii ilaa 600 oo qof ay soo dirsadeen codsiyo la xiriira inay noqdaan xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe ee CAS ayaa waxaa liiskaasi laga soo xushay 224 qof.
Dadka uu magacyadooda shaaciyay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ee la turxaan bixin doono laga billaabo 1-da bisha Saddexaad ee sanadkan ayaa waxaa ka mid ah wakiilkii hore ee haweenka ee ismaamulka Garissa Canab Maxamad Guure.
Sidoo kale waxaa dadkan ka mid ah xoghayihii guud ee hore ee ururka macallimiinta dalka KNUT ,Wilson Sossion, barasaabkii hore ee ismaamulka Samburu Moses Lenolkulal, wariyihii hore ee telefishinka KBC ,Bonnie Musambi, Dennis Itumbi, senatarkii hore ee Lamu Anuar Loitiptip, xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaneedka Starehe ee ismaamulka Nairobi Charles Njagua iyo xubno kale.




