Barasaabka Nyamira oo qiray inay jiraan shaqaale been abuur ah

0
218

Guddoomiyaha ismaamulka Nyamira Amos Nyaribo ayaa maanta qiray inay suurtagal tahay in hannaanka mushaar bixinta ee dowlad deegaankaasi ay ku jiraan 500 ilaa 1,000 qof oo shaqaale been abuur ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu jiro geeddisocod lagu xaqiijinaya tiradan si loo ogaado howlwadeennada rasmiga ee qaab sharci ah lagu shaqaaleysiiyay.
Amos Nyaribo ayaa laga soo xigtay in maamulkiisa uu howshan u xil saaray shirkad gaar ah.
Guddoomiyaha ismaamulka Nyamira ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ka soo hormuuqday guddiga xisaabaadka iyo maalgashiga ee aqalka sare.
Waxaa laga dalbaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababta boqolkiiba 45 ee dakhliga ismaamulkaasi loogu adeegsado musharaadka.
Guddoomiyaha guddigan ahna senatarka ismaamulka Homa Bay Moses Kajwang’ ayaa sheegay inaynan caqli-gal ahayn in dowlad deegaanka Nyamira uu keliya boqolkiiba 13 ee miisaaniyadiisa ku bixiyo arrimaha horumarka.
Xubnaha guddiga xisaabaadka iyo maalgashiga ee aqalka sare ayaa barasaabka Nyamira Amos Nyaribo ka dalbaday inuu soo gudbiyo warbixin ku saabsan tirada rasmiga ee shaqaalaha been abuurka ah iyo tallaabooyinka uu qaadaya ee uu xaaladdan kula tacaalaya.
Xeerka maareynta lacagaha dadweynaha ee PFM ayaa qeexaya in ismaamullada ay ugu yaraan boqolkiiba 30 ee dakhligooda ay u qoondeeyaan mashaariicda horumarineed.