In ka badan 1.8 milyan oo Kenya looga tallaalay daacuunka

0
271

Waxaa gudaha dalka cudurka daacuunka looga tallaalay ugu yaraan 1.8 milyan oo qof.
Madaxa waaxda tallaalka ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr. Lucy Mecca ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxay sheegtay inay rajeynayaan in lagu guulaysto in tallaalka la siiyo in ka badan 2.2 milyan oo ruux.
Ismaamullada tallaal bixin socotay maalmo laga fuliyay ayaa waxaa ka mid ah Nairobi, Garissa, Wajeer iyo Tana River.
Tan iyo bishii tobnaad ee sanadkii hore markii la soo tabiyay cudurka daacuunka waxaa gudaha dalka laga diiwaangeliyay dhacooyin kor u dhafaya 4,566 iyo dhimasho dhan 83.