DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha dalka oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah daroogada

0
336

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah shakhsiyadka iibiya Khamriga sharci darrada ah.
Waxaa uu sheegay in daroogada kiimikooyiinka leh ee saameynaya caafimaadka carruurta lala dagaalami doono.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in sida loola dagaalamayo kooxaha ammaanka lidka ku ah loola howlgali doono kuwa iibiya maandooriyaasha sharci darrada ah.

Dhanka kale Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in shaqada hay’adaha amniga dalka ay tahay inay ilaaliso nabadda oo aysan ku lug yeelan arrimaha siyaasadda.