Azimio oo baajisay kulan ay ku qaban lahayd Mombasa

0
290

Isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ayaa baajiyay isku soo bax siyaasadeed oo uu horay u qorsheeyay in Sabtida soo socoto uu ku qabto ismaamulka Mombasa.
Afhayeenka xoghaynta madaxa Azimio Raila Odinga,Dennis Onyango ayaa arrintan shaaca uga qaaday bayaan uu soo saaray.
Waxaa uu xusay in isla maalinkaasi kulanka siyaasadeed lagu qaban doono Kakamega.
Raila Odinga ayaa sheegay in isbeddelkan looga gol-leeyahay in si habsami leh la isugu dubarido howlaha isbeheysiga.
Hasa ahaate waxaa sidii loo qorsheeyay u qabsoomi doono isku soo bax duco oo lagu qaban doono Jevanjee Gardens oo ku taalla magaalada Nairobi.
Dhawaan ayay ahayd markii siyaasiyiinta Azimio ay ku sugnaayeen Kisumu waxaana ka sii horeeyay kulan ay ku qabteen Kisii.