Madaxweynaha dalka oo Midowga Afrika ugu baaqay inuu wax ka qabto argagixisannimada

0
257

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Midowga Afrika kula taliyay inuu la yimaado siyaabo lagu joojinaya in argagixisannimada iyo afgembiyada militari ay ku sii fidaan qaaradda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyey in sanadkii hore dhacdooyinka laga diiwaangeliyay Afrika ee la xiriira xagjirnimada , argagixisada iyo isbedellada dowladda ee aan dastuuriga ahayn inay kordheen.
Madaxweyne William Ruto ayaa Midowga Afrika ee AU-da u soo jeediyay inuu qaado tallaabooyin geesinnimo leh oo uu kula tacaalaya argagixisada iyo xagjirnimada rabshadeysan.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo nidaamyada jira si wax looga qabto afgembiga dowladaha sharciga ah.
Arrintan ayuu hoggaamiyaha dalka shalay ka sheegay magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya halkaasi oo lagu soo bandhigayay warbixin ku saabsan howlaha golaha nabadgalyada iyo amniga iyo xaaladda nabadeed ee Afrika.
William Ruto ayaa laga soo xigtay inuunan jirin gobol aynan saameyn caqabadaha dhanka amniga.
Waxaa uu ku baaqay dadaallo loo dhan yahay oo lagu xakameynaya amni darrada ka jirto qaaradda.
Ruto ayaa ku celceliyay in aynan suurtagal ahayn in horumar laga sameeyo meelaha ay xasilooni darrada ka taagan tahay.