DHAGEYSO:Warbixin laga soo saaray weerarrada ay Al-Shabaab sanadkii hore Kenya ka gaysatay

0
342

Sahan dhawaan la sameeyay ayaa shaaca looga qaaday in weerarrada kooxda Al-Shabaab ay ka gaysatay dalkani Kenya sanadkii hore ee 2022-kii ay kordheen boqolkiiba 26.
Sida laga soo xigtay daraasad ay sameysay xarunta xuquuqul insaanka iyo daraasaadka siyaasadda (CHRIPS), tirada weerarrada la xiriira falalka argagixisinimo ee sanadkii hore wadanka laga gaystay ayaa gaartay boqolkiiba 77, halka sanadkii ka sii horreeyay ee 2021-kii ay ahayd 51%.
Xaruntan ayaa tilmaantay in weerarrada argagixisnimo inta badan laga gaystay afar ismaamul oo kala ah Mandera, Wajeer, Garissa iyo Lamu.
Dowlad deegaanka Mandera ayaa weerarrada ugu badan ay kooxaha argagixisada ka fuliyeen, iyada oo ay sanadkii hore ka dhaceen 37 dhacdo oo falal argagaxisnimo la xiriira.
Ismaamulka Lamu ayaa diiwaangeliyay 21 weerarro , Gaarisa 19, halka dowlad deegaanka Wajeer muddadaasi laga soo tabiyay 9 dhacdo.
Xarunta xuquuqul insaanka iyo daraasaadka siyaasadda (CHRIPS), ayaa daaha ka qaaday in 77 weerarro oo la soo tabiyay sanadkii hore, ku dhawaad 50 boqolkiiba lala beegsaday saraakiisha ammaanka.
Weerarrada lala beegsanayo saraakiisha amniga ayaa kor u kacayay 5-tii sano ee la soo dhaafay.
Sanadihii 2018 iyo 2019, 16 weerar ayaa gudaha wadanka laga gaystay, kuwaas oo lala beegsaday saraakiisha amniga.
Tiradan ayaa aad kor ugu kacday ilaa 41 sanadkii 2020-kii.
Waxaa sanadkii 2021-kii la diiwangeliyay 24 weerarro oo ay kooxaha argagixisada gaysteen.
Xarunta CHRIPS ayaa sanadkii hore diiwaangeliyay 33 weerar oo lala beegsaday saraakiisha amniga.
Weeraradii 2022-kii ay kooxda Al-Shabaab ka gaystay wadanka ayaa sababay dhimashada 116 qof.
Tani waa koror 16 boqolkiiba ah marka lala barbardhigo 2021-kii.
Dadka la sheegay inay ku dhinteen sanadkii hore weerarrada argagixisada ayaa intood badan waxay ahaayeen dad rayid ah oo ay tiradoodu gaareyso 42 qof.
Khasaaraha kale ayaa kala ah 38 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsanaayeen ururka Al Shabaab, 35 ka mid ah saraakiisha ammaanka ee dalka iyo hal mas’uul oo ka tirsan dowladda Kenya.
Inkastoo saraakiisha ammaanka iyo hay’adaha ka hortagga weerarrada argagixisada ee dalka ay mudan yihiin in lagu ammaano tallaabooyinka looga hortagayo xagjirnimada, ayaa dhanka kale sahanka la sameeyay uu muujinaya in Al-Shabaab ay sii wadaan weerarrada ay wadanka ka gaysanayaan maadaama ay soo noqnoqdeen falalka argagixisnimada la xiriira.
Waxaa sanadkii hore weerarrada wadanka laga gaystay loo xiray 29 qof.
Tirada ugu badan ee xabsiga loo taxaabay ayaa lagu qabtay ismaamulka Garissa, halkaas oo lagu xiray 9 qof oo looga shakiyay falal argagixisanimo.
Sidoo kale sanadkii hore waxaa ismaamullada Nyeri, Narok, Kwale, Tana River, Lamu iyo Laikipia lagu xiray shakhsiyaad looga shakiyay falal argagixisanimo.
Xogtan ayaa la uruurinayay laga soo billaabo 1-dii bishii koowaad ee sanadkii hore ilaa 31-dii Diseembar ee 2022-kii.
Dhanka kale saraakiishii howlgabka noqday ee ka tirsanaa ciidamada militariga dalka ee ismaamulka Garissa ayaa ballanqaaday inay ka qayb qaadan doonaan la tacaalidda falalka argagixisada .
Xoghayaha guud ee ururka ay ku mideysan yihiin, Xasan Waaqo ayaa sidatan warbaahinta u sheegay

Waxaa go’aanka ay qaateen ciidamadan howlgabka noqday soo dhaweeyay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Garissa Boaz Cherutich .