DHAGEYSO:Barasaabka Kisii oo dalbaday in la baaro rabshad shalay ismaamulkaasi ka dhacday

0
337

Guddoomiyaha ismaamulka Kisii ,Simba Arati ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ka dalbaday inuu amro in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo rabshad shalay laga soo tabiyay dowlad deegaankaasi.
Waxaa rabshadda ku dhaawacmay ilaa toban qof ka dib markii sida la sheegay wadayaasha mootooyinka oo taabacsan xisbiga UDA ay magaalada Kisii ka sameyeen dibadbax horseeday inuu iskudhac dhex maro iyaga iyo dhallinyaro taageersan garabka mucaaradka ee Azimio.
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee Kisii iyadoo qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay dareenkooda la wadaageen warbaahinta.

Madaxa waaxda daryeelka degdegga ee isbitaalka guud ee Kisii Dr. Mariita Oimeke ayaa sheegay in toddobo qof oo ay soo gaareen dhawacyo fudud la daaweeyay oo isbitaalka laga saaray halka saddex kale oo ay xaaladooda caafimaad liidato weli la daryeelaya.
Barasaabka ismaamulkaasi Simba Arati oo booqday dhaawaca ayaa cambaareeyay rabshadda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in iskudhaca labada dhinac uu sidoo kale ku dhaawacmay sarkaal booliis ah ka dib markii dhagax lagu dhuftay.
Guddoomiyaha Kisii ayaa xusay in haddii dowladda dhexe aynan arrintan ka sal gaarin inuu isaga qaadaya tallaabo wax ku ool ah oo lagu badbaadinaya nolosha shacabka iyo hantidooda.
Ciidamada booliiska ee Kisii ayaa guda galay baaritaano dhacdadaasi ku aaddan.