DHAGEYSO:Aqoonyahannada muslimiinta oo baaq loo diray

0
302

Guddoomiyaha golaha qaran ee ka talo-bixiya arrimaha islaamka ee KEMNAC, Sheekh Juma Ngao ayaa aqoonyahaannada culimada ah ugu baaqay inay isa soo saaraan oo ay culuunta islaamiga ah ka dhigaan jaamacadaha wadanka.
Waxaa uu xusay inay jirto baahi wayn oo arrinkan la xiriirta.
Sheekh Juma Ngao ayaa intaasi ku daray in gaabadka jira awgiis ay qaar ka mid ah ardayda muslimiinta ah ee dhigta dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare aan la barin maaddada islaamiga ee IRE-da.

Hadalkan ayuu ka jeediyay kulan ay culimaauddiinka ku yeesheen ismaamulka Mombasa.