DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha Baringo oo cambaareeyay go’aan ka soo baxay LSK

0
320

Madaxda ismaamulka Baringo ayaa cambaareeyay go’aan uu ururka qareennada dalka ee LSK uga soo horjeestay tallaabada ciidamada militariga loogu adeegsanaya la tacaalidda kooxaha burcadda ee waqooyiga Rift Valley.
Siyaasiyiintan ayaa difaacay go’aanka dowladda dhexe.
Wasiirka wasaaradda iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar ,Simion Chelugui ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay cirib tirka burcadnimada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ciidamada difaaca ee la geeyay ismaamullada ku yaalla waqooyiga Rift Valley ay garab siin doonaan saraakiisha kale ee amniga.
Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa maalmo ka hor sheegay inuu xeer ilaaliyaha guud ee wadanka Justin Muturi u qabanaya saddex cishe oo uu baarlamaanka ku hor geynaya codsi ah inuu ansixiyo adeegsiga militariga ee deegaannada ay burcadnimadu saameysay.
Madaxa LSK Eric Theuri ayaa wacad ku maray in haddii Muturi uunan baaqan u hoggaansamin ay maxkamadda dacwad u gudbinayaan.
LSK ayaa ku doodaysa in waqooyiga Rift Valley aynan hadda ka jirin xaalad degdeg oo keenaysa in la howlgeliyo saraakiisha difaaca .
Hasa ahaate waxaa tani gaashaanka u daruuray madaxda Baringo oo madaxweynaha dalka William Ruto ku taageeray amarka uu bixiyay.