Maxkamadda oo oggolaatay in damiin lagu siideeyo 8 eedeysane oo 500 oo milyan ka dhacay adeegga Fuliza

0
312

Maxkamadda ayaa oggolaatay in damiin lacageed oo dhan hal milyan oo shilin lagu siidaayo midkiiba 8 nin oo ku eedeysan in qaab khiyaano ah ay ku heleen ku dhawaad 500 oo milyan oo shilin.
Lacagtan ayay ka dhaceen adeegga Fuliza ee ay maareysa shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.
Adeeggan ayay macaamiisha MPESA lacago ka daynsadaan marka aynan lacag ku filan ugu jirin akoonkooda.
Eedeysnayaasha ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 9-kii bishan.
Qareennada difaacaya eedeysnayaasha ayaa maxkamadda ka codsaday in ay dabciso go’aankeeda iyada oo tixgelinayso in shakhsiyaadkan ay ka soo jeedaan qoysas sabool ah.
Dadkan ayaa markii la xirayay lagu helay kumanaan ah leemanka taleefoonada gacanta ee shirkadaha Safaricom iyo Airtel .
Waxay adeegsanayeen nambarrada aqoonsiga qaran ee ID-ga oo la farsameeyay oo ay leemankan ku diiwaangeliyeen ka dibna ay ku qaateen lacagaha amaahda ah.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay, Isaack Kipkemoi, Gideon Rono, Maxwell Ributhu, Gideon Kirui, Moses Rono, Collins Kipyegon Edwin Cheruiyot iyo Peter Gitahi.