Madaxweynaha dalka oo gaaray Itoobiya

0
290

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Waxaa uu halkaasi u tagay booqasho rasmi oo qaadanaysa labo maalin.
Madaxweynaha dalka ayaa ka qaybgeli doono shir madaxeedka 36-aad ee ururka Midowga Afrika.
Shir madaxeedkan ayaa socon doona muddo labo cisho ah.
Madaxda Afrika ayaa kawada hadli doono arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin, warbixinnada la xiriira la tacaalidda caqabadaha ka jiro qaaradda ee isbeddelka cimillada, cudurka COVID-19, nabadgalyada iyo amniga.
Shir madaxeedka ayaa waxaa ka qayb galaya madaxda iyo mas’uuliyiinta guddiga Midowga Afrika, wasiirro iyo safiirro ka kala socda dalalka xubnaha ka ah ururkan.
Madaxeynaha dalka ayaa waxaa safarka ku wehlinaya marwada koowaad ee wadanka Rachel Ruto, wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Dr. Alfred Mutua iyo dhigiisa ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha Moses Kuria.