Barasaabka ismaamulka Trans Nzoia ,George Natembeya ayaa billaabay howlgal dib lagula wareegaya dhulalka sida sharci darrada ah lagu qaatay.
Waxaa uu dhanka kale digniin adag u diray shakhsiyaadka ku howlan boobka dhulalka.
Tani ayaa timid ka dib markii uu talooyin ka helay guddi uu u xilsaaray inay baaritaano ku sameyaan kiisaska dhaca dhulalka ee gudaha ismaamulkaasi.