Wasaaradda tacliinta oo ka digtay in ardayda fasalka 7-aad loo diiwaangeliyo KCPE

0
450

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa soo saartay digniin ku aaddan in ardayda dhiganaya fasalka toddobaad aan loo diiwaangelin karin inay sanadkan u fadhiistaan imtixaanka fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay inay ka warqabaan in waalidiinta qaar ay carruurtooda dhiganaya fasalka 7-aad ay gaynayaan fasalka Siddeedaad.
Waxaa uu wacad ku maray in dugsigii la ogaado inuu dhaqankan garab siinaya laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in waalidiinta ay lacago laaluush ah siinayaan maamulayaasha dugsiyada si ardayda Grade 7 loogu diiwaangeliyo imtixaanka shahaaddiga ee KCPE-da.
Kipsang ayaa digniintan ku sheegay wareegto uu la wadaagay agaasimayaasha tacliinta ee gobollada iyo ismaamullada dalka.
Waxaa uu amar ku siiyay saraakiisha inay xaqiijiyaan xogaha ardayda loo diiwaangelinta imtixaanka KCPE oo ay soo gudbiyaan khaladaadka jira.