Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad looga soo horjeeday shaqaaleysiinta xoghayeyaasha sare ee wasaaradaha dowladda dhexe u qaabilsan dhinaca maamulka ee (CAS).
Waxaa kiiskan maxkamadda geeyay ururka qareennada dalka ee (LSK) oo ku doodayay in guddiga adeegga dadweynaha ee (PSC) uunan ka qayb gelin shacabka si ay afkaartooda uga dhiibtaan.
LSK ayaa intaasi ku dartay in jiritaanka xilalkan ay culeys dhaqaale ku tahay dalka.
Hasa ahaate garsoore Monica Mbaru ayaa maanta caddeysay in go’aankii guddiga PSC uu ku aasaasay jagooyinka xoghayeyaasha maamulka uu ahaa mid sharciga waafaqsan.
Waxay xaakinka hoosta ka xarriiqday in dowladda dhexe ay shaqaaleysiin karto mas’uuliyiintan iyadoo la soo gabagabeynaya dhageysiga dacwadda.
Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa sanadkii 2018-kii aasaasay xilalka xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha tani oo looga gol-lahaa wanaajinta waxqabadka dowladda.