KEMSA oo xariga ka jartay daawooyin loo qaybinaya isbitaallada Nairobi

0
299

Maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee (KEMSA) oo kaashanaya dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa xariga ka jaray ilaa 19 ka mid ah baabuurta xamuulka oo sido 244 milyan oo agab caafimaad ah.
Daawooyinkan iyo agabka kale ayaa loogu talagalay in loo qaybiyo xarumaha caafimaadka ee dowliga ah ee ku yaallo gudaha magaala madaxda wadanka.
Barasaabka ismaamulka Nairobi ,Johnson Sakaja ayaa sheegay in saddexdii sano ee la soo dhaafay aan daawo loo qaybin isbitaallada dowladda ee Nairobi.
Tani ayuu xusay inay sababtay in bukaannada lagu amro inay daawooyin ka soo iibsadaan isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay.
Waxaa uu barasaabka sheegay in daawooyinka la gaarsiin doono 22 isbitaallo oo ay ka mid yihiin Pumwani, Mama Lucy iyo Mbagathi .
Sakaja ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu xaqiijin doono in bil kasta mushaar la siiyo 7,460 oo ah shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya daryeelka caafimaad .
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda ismaamulka Nairobi ay bixisay 80 milyan oo shilin oo ka mid ah deyn uu ku yeeshay maamulka KEMSA oo ayna ku heshiiyeen sida lagu dhameystiri doono baaqiga.
Madaxa fulinta ee maamulka KEMSA ,Terry Ramadhani ayaa dhankeeda sheegtay in berri ay bixin doonaan agab caafimaad oo dheeraad ah.