DCI oo doonaysa in Matiang’i lagu amro inuu soo saaro muuqaalka howlgalka

0
379

Waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) ayaa maxkamadda geysay codsi ay ku doonaysa in wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i lagu qasbo inuu soo saaro muuqaalka ay duubtay kameerada qarsoon ee CCTV-da maadaama uu cabasho ka muujiyay in 8-dii bishan howlgal laga fuliyay gurigiisa.
Qareennada Matiang’i oo uu hor kacayay Danstan Omari ayaa xilligaasi sheegay in hooyga mas’uulkan hore oo ku yaalla xaafadad Karen ee magaalada Nairobi la geeyay ciidamo iyadoo aan loo caddeyn sababta.
Waaxda DCI ayaa ku doodaysa in wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha uu ka been sheegay dhacdada ay warbaahintu tabisay taasoo keentay inay guda gasho baaritaano ku aaddan.
Waxaa sidoo kale howlgalka la sheegay beeniyay taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome .
DCI ayaa maxkamadda u sheegtay in si ulakac ah oo niyad xumo ay ku dheehan tahay la isugu dayey in la faafiyo war aan sax ahayn si cabsi loo abuuro.
Agaasimaha waaxdan Maxamad Aamiin ayaa xusay in codsiga ay gudbiyeen ay uga gol-leeyihiin in la aqoonsado saraakiisha la sheegay inay tageen hooyga Dr.Fred Matiang’i si hadal haynta ay arrintan dhalisay loo soo afjaro.